xidigtaan haweenkiyo xaawalay
kasoo xushee
xubigeedu maankiyo dhami
xubnahaygiyo xididadayda
raac kugu xasishay naftaydu

xurmiyo wanaagbaan kuu haya
xabiibtii
xaruntii dalxiiskiyo xiisihii macaana
ayaan soo xasusta

qalbiguna xayaadeey xubaladaan
kuu qabo xadkuu dhaafay cashaqu
xad male jacaylkuna

xubnaaagan quruxdaliyo dhabankaaga
xaada le
xaraga socodka laafyaha xaakinkii kusiya
qurux kuu xanbarsho dun xariiraba tahay
xuural cayn lamoodyeey runtii xila janadey

Exit mobile version