sidii xuurancayn
xaqiiqada midii
xubintii kastaba
qurux lagu xardhee
loo xambaarshaye

aa xaarbeegti weeyi
xiska garashadiyo
xigmad geesi lahoo
aa xubintiisa hadal
xaraf sseginoo

xishoodiyo midii
xad asluubta wacan
ku xayn daabane
xaragada asturan
ku xijaabane ugabay

xildhibaan ragoo
xaaja goyn kara
xaawalayda dumar
xaqa leeyihiin
iyo kaa sharaf xeeriye

aan xili kastaba
aan xili kastaba
alle ku xamdine
ku xalaashade
maad xilo janoo
xaaskaygii noqo

aan xili kastaba
alle ku xamdine
is xalaashane
xabiiba jecliyo
xaajigayga noqo

Exit mobile version