jacaylka ma kuu dhigaa
dhiigayga ma kugu habaa
dhaydiisa ma kuu lisaa
halbawlaha ma soo dhuraa
dareenka ma dheefiyaa
xinjiro ma u dhaamiyaa

xubiga ma u dhiidhinaa
dhitada ma u dhaadhacnaa
quluubta ma wada dhaynaa

axdiga dhidibada ma u dhisnaa
dhuuxeenana ma qaybsanaa
dhalaan ma barbaarinaa
dhaayaha ma ku doogsanaayo
nolosha ma isu dhaaranaa

nasteexo ma kugu dhaqaa
aroos ma ku dhiiranaa
raaskeena ma wada dhisnaa
rajada ma dhabaysanaa
dhaliil ma ka baajinaa
farxada ma la dhaygagnaa
niyada waad ku dheertahoo
xiskaa dhadhan kugu haye
dhamaystira ma ii ahaan

Exit mobile version