VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nolasha ma isu dhiibnaa - Lyrics

jacaylka ma kuu dhigaa dhiigayga ma kugu habaa dhaydiisa ma kuu lisaa halbawlaha ma soo dhuraa dareenka ma dheefiyaa xinjiro ma u dhaamiyaa xubiga ma u dhiidhinaa dhitada ma u dhaadhacnaa quluubta ma wada dhaynaa axdiga dhidibada ma u dhisnaa dhuuxeenana ma qaybsanaa dhalaan ma barbaarinaa dhaayaha ma ku doogsanaayo nolosha ma isu dhaaranaa nasteexo ma kugu dhaqaa aroos ma ku dhiiranaa raaskeena ma wada dhisnaa rajada ma dhabaysanaa dhaliil ma ka baajinaa farxada ma la dhaygagnaa niyada waad ku dheertahoo xiskaa dhadhan kugu haye dhamaystira ma ii ahaan
Queue is empty
-- / --