naftaydaay adaaan kula hadlayaa
adigoo hamiloo hiigsanaya meel dheer
dadbaa ku habaabbiyoo
waliba ku halaynayee

dabkay kugu hurinayaan
halkay kugu hafinayaan
intay ku hareerayaan
ayay kula heshiinayaane
horay u soco horay u soco

adigoo u hiilanaya
wanaag u horseedayoo
waliba nafta u horayay
cadawgaaga hab siinayaan

jabkaagay habaynayaan
hogaagay sii qodayaanoo
kafankaagay huwinayaane
horay u soco horay u soco

ma hagaagayaanoo
waxay hubaan inaad ka horayso
hawadaa aad maraysee
way hadhayaanee way hadhayaane

haraad adigoo ka tirayay
sunta kuu hoos marinayaan
duco adigoo ku habayay
habaar kula raadinayaane

hawlaha kuu gaarkiyo
hirarkaa nolosheed sagaysay
dharaarba aad u joogtee
hurdada aad u daysee

kuuma quudhayaanoo
way halaynayaane
hadalku wax kuuma taraye
way ku hunguriyaynayaane
horay u soco haday dhaheen
horay u dhimo haday dhaheen
haajiroo na dhaaf

halkaan u socdaan ka waynee
ma hungoobayoo
hadafkaygiyo halkaan
u socdaan ka wayne
taladaydana RABIbaa hayoo
ruuxna ma hubee
ma hungoobayoo
hadafkaygiyo halkaan u socdaa ka wayne
horay u soco horay u soco

Exit mobile version