VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hori usoco - Lyrics

naftaydaay adaaan kula hadlayaa adigoo hamiloo hiigsanaya meel dheer dadbaa ku habaabbiyoo waliba ku halaynayee dabkay kugu hurinayaan halkay kugu hafinayaan intay ku hareerayaan ayay kula heshiinayaane horay u soco horay u soco adigoo u hiilanaya wanaag u horseedayoo waliba nafta u horayay cadawgaaga hab siinayaan jabkaagay habaynayaan hogaagay sii qodayaanoo kafankaagay huwinayaane horay u soco horay u soco ma hagaagayaanoo waxay hubaan inaad ka horayso hawadaa aad maraysee way hadhayaanee way hadhayaane haraad adigoo ka tirayay sunta kuu hoos marinayaan duco adigoo ku habayay habaar kula raadinayaane hawlaha kuu gaarkiyo hirarkaa nolosheed sagaysay dharaarba aad u joogtee hurdada aad u daysee kuuma quudhayaanoo way halaynayaane hadalku wax kuuma taraye way ku hunguriyaynayaane horay u soco haday dhaheen horay u dhimo haday dhaheen haajiroo na dhaaf halkaan u socdaan ka waynee ma hungoobayoo hadafkaygiyo halkaan u socdaan ka wayne taladaydana RABIbaa hayoo ruuxna ma hubee ma hungoobayoo hadafkaygiyo halkaan u socdaa ka wayne horay u soco horay u soco
Queue is empty
-- / --