Amal dhaqankiyo dheeha muuqiyo
Hablo dheertoo dheeman weeyo
Dhigeed dumarkaa qol ka dheehdee
Dhaaftay dhaaftee laalalaa

Dhaldhalaaliyo qurux dheeli tiran
Akhlaaq dhiganiyo xishood dheeryay
Dhinac qudha aan dhantaalnayn
Oo dhamaysa dhabtii weeyaan

Ala ala ala dhawrsanaa ala dhalaalsanaa
Dhaban quruxsanaa dhaldhalaalsanaa
Oo dhamaysanaaa

Asal dhaladiyo dheefsan weeyoo
Dhabeel ugubiyo dhal gob weeyee
Dheeman dahabiyo dhal gob weeyee

Mid la dheehdoo dhawrsan weeyee
Mid dhamaysoo dhisan weeyee
Mid dhigeedba loo dhigaynoo
Oo dhamaanba dheefsan weeyee

Exit mobile version