waa cudur jacaylkuye
waa culay iblays aan
dadka laga cidaadine
cantar bina shadaadiyo
cilmi siduu u galayee
uu qays cidlada dhigay
markuu culimadii dilay
inuu dumarka ciijo
cidhibtooda wada tiray
kuu cadeeyay aniguye
miyaad caawa moogtahay

cid magalaha caydhiyo
cawsha iyo ugaadhiyo
geeloo cararoo caymaday
dhul carancar badaneey
ceeraarta gucundhadu
cirir kulul ku celiyeen
carcaraaf inaan maray
canaan ciiladeed jarid
aawadaa cadibanahay
kuu cadeeyay aniguye
miyaadd caawa moogtahay

caalyahanka dunidaa
cidi kuma ciwaartee
hadii uu cuskado mawd
nabsibaa waa cawaanoo
waa col iyo gulufoo
cidlo kuma dhaxaayee
ceeryaan sideedii
inuu cudurku kuu dhimay
cimrigaaga yaasiray
kuu cadeeyay aniguye
miyaad caawa moogtahay

waa cudur jacaylku
waa culay iblays aa
weelka laga cidaadine
cantar bina shadaadiyo
cilmi siduu u galayee
uu qays cidlada dhigay
markuu culimadii dilay
inuu dumarka ciijo
cidhibtooda wada tiray
kuu cadeeyay aniguye
miyaad caawa moogtahay

Exit mobile version