anoo curdin waliyahoo
badaha cashaqa dhex galin
ragana cayntiisa badan
haasaawaha kula cawayn

adaa casharada jacayl
calool sami ii baroo
nafaad calmatood heshana
cidlada wehel uga noqdoo
cisi iyo sharaf igu dhaqee
ALLIHII ii kaa calfaan
kunjeer uga mahad ceshaa

sidii cosob meel lahoo
cagaariyo doog ku yaal
ayaan curadkaan rabow
indhuhu kaa caajisayn

anoo cindigayga iyo
calooshaba guur ku xidhin
ragana cod la yeelanoo
agtoodaba agtoodaba
sidii cawsha uga dida

adaa sida caano geel
kalsoonida ii cugoo
dareenka igula caboo
naftaydana caafiyoo
cidnaba kula simi maayee
ALLIHII ii kaa calafaan
kun jeer mahad uga ceshaa

Exit mobile version