garo jacaylkan huuno
adaa i galiyee hee dheh
naftan ku goobaysa
haku gacan saydhin
nabsigu ma gaboobo
marbuu ku gaadayaa
kaalay garabkayga
gacan isii maanta

goortii aynu kulanay
googooska sheekada dheh
saw ma garanaysid
qosol ka gabax siisay
xiisihii galay
macaan wali ma uu guurin
goobtan imo heedhe
hawsha ila giiji
garo jacaylkan wiiloow
adaa i galiyee heedhe
naftan ku goobaysa
haku gacan saydhin

geedaha oo ubaxleh
xareed dhulka godala
farxad la goohayno
galbis aroos heedhe
guusha inaan gaadho
gar baan u leeyahay
ha iga yar gaabin
libin intaan gaadho
garoo jacaylkaan
adaa i galiyee
naftan ku goobaysa
haku gacan saydhin

Exit mobile version