Intaan dumar kugu qaldee
Is idhi waa tii qoraniyo
nolasha kula qaybsan lahayd
Qalbiga yidhi maxaa tiri
Qayrkaa way badantahee

Ma dhulkaa qol ku leedahay
Anaa indhahaygu qaban
Ma cirkaa qasri kugu yaalaa
Anniga quusan waayayee
Ma qofbaa la abuurin baa tahay

Qofteediyee kumee
Cidlaa qarwayaa kumee
Hadduu qalbigaagu jiro
maqal yeedh boga igu qabo
Inna keen gacanta i qabsoo

Hadaan xulashada qorshayn
Qowl iyo araar lahayn
Qof doorasho aan lahayn
Soo qalbiga waa diidayaa
Jacayl qiil daydayee

Ma annaa qoraansi badan
oon aanan ku qancayn qof qudha
mise taan ku qaboobi lahaa
ayaanan qaban indhahu
Qalanjadu way qarsoontahee

Qofteediyee kumee
Cidlaa qarwayaa kumee
Hadduu qalbigaagu jiro
maqal yeedh boga igu qabo
Inna keen gacanta i qabsoo

Exit mobile version