VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qoftaydiyee kumee - Lyrics

Intaan dumar kugu qaldee Is idhi waa tii qoraniyo nolasha kula qaybsan lahayd Qalbiga yidhi maxaa tiri Qayrkaa way badantahee Ma dhulkaa qol ku leedahay Anaa indhahaygu qaban Ma cirkaa qasri kugu yaalaa Anniga quusan waayayee Ma qofbaa la abuurin baa tahay Qofteediyee kumee Cidlaa qarwayaa kumee Hadduu qalbigaagu jiro maqal yeedh boga igu qabo Inna keen gacanta i qabsoo Hadaan xulashada qorshayn Qowl iyo araar lahayn Qof doorasho aan lahayn Soo qalbiga waa diidayaa Jacayl qiil daydayee Ma annaa qoraansi badan oon aanan ku qancayn qof qudha mise taan ku qaboobi lahaa ayaanan qaban indhahu Qalanjadu way qarsoontahee Qofteediyee kumee Cidlaa qarwayaa kumee Hadduu qalbigaagu jiro maqal yeedh boga igu qabo Inna keen gacanta i qabsoo
Queue is empty
-- / --