Nafta waxa sareediyo
U ahaa sad iyo guul
Sawirkaaga qudhoon
Dhaayahayga saaree

Ehel iyo sokeeyaba
Sowtaan kaaga go'ay
Sababtaada awgeed
Isu seegnay inanyahay

Nafta salaw ku beerte
Inaad sahal ku dhaafto
Saakaba ilawdaa
Haday kula samaatay
Samirbaan dugsanayaa

Ehel iyo sokeeyaba
Sowtaan kaaga go'ay
Sababtaada awgeed
Isu seegnay inanyahay

Exit mobile version