dhayal ha u malaynine
maalintaynu kulanaan
ma huraan naftaydiyo
kugu sooray maankee
amaantaada mooyee
afku eray kaleba ma hayee
midigtaydii caashaqaay
mataanee kalgacalka
aan midhihiisa guranee
intaan mawtku ina helin
inagoo mataane ah
ma is mehersanaayoo
marwo wacan ma ii noqon
sida meel barwaaqo ah
mir habeen ku da'ayoo
manku ubaxa bixiyaad
asma muuqoodi leedahee
MAWLIHII ku uuma asma
qurux kugu manaystoo
dumarkaba dhamaantood
naftu miday u muhataay
mudan caashaqaygaa