waxaad jeceshay lama helo naftaydaay
wax ku jecelna diidayee
ma ogtahay janada udug
nimaan jidin usoo marin
aayar lama dhex joojee

hadaad jamato geed adag
oonad hayn wax kuu jara
jabin mayso gacantuye

ha ku daalin jeedaal
indho sooma jiitaan
qalbi kaa janjeedha e

lugta jeeni dhaaftaa naftaydaay
way jabtaaye ma ogtay
wabi soo jabsada iyo
bada jawle ma ogtay
cagta lama dhex joojee

hadaad jamato cadawgaa
iyo ruux ku jiidh neceb
hadhka kuuma jiidaan

Exit mobile version