waxaan uurka kaa jirin afka lagama sheegtoo
afeef kuu horaysiyo adkaysinimo danbaytaa
miduun lagu itaalaa

afgobaadsi hadaliyo araar uu ka waynaa
jacaylkaan abuurniyo axidgaynuu dhiganee
mee ololaheenii

iskumaan ogayn inaad oofin waydaa
iskumaan ogayn inaad bixiso aayaha
iskumaan ogayn inaad adhax i goysaa
iilkiyo xabaasha ii horseedaa
asaagay iga reebtaa

istareexday maantoo adi kuu ahaatee
waadigan aroosee bal aan eegno aayaha

amaantaada guudiyo quruxdaada aadka ah
ma adkayn karaayoo sidii ubaxa nuura
wadnahaad abaartoo

idilkood haweekaba adaan kaa hibaystoo
qof la aaminaayoo caqli laan ku moodee

Exit mobile version