1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Cilad midaan laheynoo
Camal sami u dhalataa
Calafkeygi noqotoo
Caadil iigu deeqee
Cagta meeshey saartaba
Cagaar baa kaso baxa
Caraftiyo udgoonkana
Cuudkii la ceyntaayee
Cishadii timadiyo
Cimrigey intaan jiro
Ubax kuma cidleyoo
Anaad ii cazuun tahay
Cabirkaa dhaxdaadoo
Cirifyada u weynen
Cududaha dhameystira
Caalamkaba kumaan arak
Caawa dhalad waxa tahay
Caro laga ilaalshoo
Cari nabadi taaliyo
Ku bar baartay
Ceel dheer
Cishadii timaadiyo
Cimrigey intaan jiro
Ubax kuma cidleeyoo
Anaad ii cazuun tahay.