xushmada kalgacalka
adaa igu xeerayee
xiskayga jacaylka hooy
adaa ku xayndaabay

xaqdhawr cishqaaga canabow xaydar
xilkaan wada qaadnay anaaba xanbaarsan

xaasidku ha cadhoodee xagaa dhabarkayga hooy
xabiibi kaalay kaalay anaa ku xanbaari kaalay

xissabta ku hayso xanaano dhexdeena
xasuuso kalgacale gacale xaqiiq ku wadaagnay

xiisaha labadeena xurmada kama guuro
xidhmooyin ubaxaan xaflaha ku sidaaye

xawliga caashaqeena xad dhaaf socodkiisa
xawaaraha caashaq xiinkiiisa la yaabnee

Exit mobile version