maanta iyo murayadii
indhuhu way milicsadeen
ayaad ka dhex muuqato
kashaad ku marantahoo
maskaxdaad ka dhex guuxaysaa
markaad ii muuqatana
aduun iga marmiyo
naftaa ku macsuuntayoo
milgaad iga mudan tahee
miyaan anigu adigaa
marnaba ku hilmaamayaa
maalintan ku waayana
dhulka ila meerayoo
murugo i haleesha
farxada iga maanacdee

ma guurankii kalgacal
ayaa la igu miisayoo
muhasho xubigaagu
laabtaydad muratayo
qalbigaad maangurisa
inaad mataankaygii tahay
naftaa ka marag kacdoo
xubiga la igu meelshaybaa
niyadu ka mabsuudayee
miyaan anigu adiga
meel kale ka aadaya

Exit mobile version