xareedoo giblanbaan oon i gawracayoo
gondahoon soconbaa gabax daal idhiyoo
aragoon gudhinbaan guusha daawadayoo
garab daar nin leh baan ifafaalo gartee
xidigii guracnaa isasoo gudubyoo
caradii gubataa geedo soo bixinoo
garanuugtii didaa soo gadaal noqonoo
garigaa mar labaad laaci doona gobkoo
cadawgii ku gubaan guluf weerarayoo
gashiga kuwii loogi daw galaybaa
is galaalay sidii goodirkii sululeed
anigoon go,inoo godka laygu ogaan
godobtaa nin qabaa gam,i maayo hurde
ganiyeey nolosha waligaa gob ahaw
soomaalay gabigaa nolosha gob ahaw

gudcur weeyi hadee cadaa soo galiyo
nabsi gaabin jiraa gurmad soo diriyo
xaqeenii galbadaa guul lasoo dhicinoo
hasheenii gudhaybaa durba soo godlano
gu,ga baaqsadaybaa galab soo curanoo
gar shisheeya naqaa guri mayso dhibkee
gacalkii is dilaa isasiin gabdhahoo
gaf wixii dhacaybaa godob reeb heliyoo
cadawgii ku gubaa guluf weerarayoo
gashigaa kuwii loogu daw galaybaa
is galaalay sidii goodirkii sululeed
anigoon go,inoo godka laygu ogaan
godobtaa nin qabaa gam,i maayo hurde
ganiyeey nolosha waligaa gob ahaw
soomaalay gabigaa nolosha gob ahaw

Exit mobile version