Hoooy hooy hooy hooy hooy
Hilbaheenaa isku yaalee
Xasan

Halbowlahaa iyo keeyga
Wadnahuu haw haye dhiigee
Halkii eey kaa jabiyeen baa
Ana hiilkii isku hayree
Kala harimeeynee u hubso
U hubso kala harimeeynee
Wax hubsoo hadalkeeygaanaa qabso

Baxsan

Hoooy hooy hooy hooy hooy
Hilbaheenaa isku yaalee
Nafteenu waa hal qudha
Oo kala harimeyno ileeynee
Hog hadii aad ku dhaceeysoo
Anumbaa kaaga horeeynee
Kala harimeynee i hano
I hano kala harimeynee
I hano hadalkeeygaana qabso

Xasan

Hoooy hooy hooy hooy hooy
Naftu hadeey iga haado
Iilka hortaa la i geeyo
Hoga qabanmaayee hayso
Qabriga ha igu haleeynee
Aakhiraa la iska helaayee
Kala harimeeynee u hubsoo
U hubsoo kala harimeynee
Wax hubsoo hadalkeeygaanaa qabso

BAxsan

Hoooy hooy hooy hooy hooy
Xornimaa loo halgamaayee
Ifka taa ha ina horjoogtee
Guurkeenu waa ma huraanee
Calafku waa iska halkiisee
Horjoogaagaan ka helaayee
Kala harimeynee i hano
I hano kala harimeeynee
I hanoo hadalkeeygaana qabso

Exit mobile version