Dhamoow kalgacaylkaan dhisaynay
Dhisaynay dhaliisha ka dhowrnay
Markuu uu dhisamee dhab u taagmay
Ayuunbaad dhaliishood i daysa
2x

Ilaa malintii aan ku dhaaday
Ee aan dhinacaaga istaagey
Dhaqdhaqaaq wadnihii ku jeclaaday
Dhaayahaa aragaaga xasuusta
2x

Hadaan nabsigii ka dhawaatey
Isagoo dhacayaanan arkaynin
Moobilkii dhabtaan ku hayaayee
Ha iga dhiman allaan kugu dhaarshee
2x

Dhiiranaan raga qaar kula nooca
Dheegoow dhulkeena ka buuxa
Dhabtii midkii eray iila badheedha
Dhagahaan ka xidhaa hadalkooda
2x

Magacaaga midkii la dhahaayo
Ama aad dadka qaar la wadaagto
Ayaa oonkaba iiga ku dhawaada
Dheehashada kartaan ka dhaqaaqaa
2x

Hadaan nabsigii ka dhawaatey
Isagoo dhacayaanan maqlaynee
Marna baby kaama dhacaynee
Yuu ka dhiman jacaylku dhankaaga
3x

Exit mobile version