VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ha igu dhigin - Lyrics

Dhamoow kalgacaylkaan dhisaynay Dhisaynay dhaliisha ka dhowrnay Markuu uu dhisamee dhab u taagmay Ayuunbaad dhaliishood i daysa 2x Ilaa malintii aan ku dhaaday Ee aan dhinacaaga istaagey Dhaqdhaqaaq wadnihii ku jeclaaday Dhaayahaa aragaaga xasuusta 2x Hadaan nabsigii ka dhawaatey Isagoo dhacayaanan arkaynin Moobilkii dhabtaan ku hayaayee Ha iga dhiman allaan kugu dhaarshee 2x Dhiiranaan raga qaar kula nooca Dheegoow dhulkeena ka buuxa Dhabtii midkii eray iila badheedha Dhagahaan ka xidhaa hadalkooda 2x Magacaaga midkii la dhahaayo Ama aad dadka qaar la wadaagto Ayaa oonkaba iiga ku dhawaada Dheehashada kartaan ka dhaqaaqaa 2x Hadaan nabsigii ka dhawaatey Isagoo dhacayaanan maqlaynee Marna baby kaama dhacaynee Yuu ka dhiman jacaylku dhankaaga 3x
Queue is empty
-- / --