raxmad eebe meel
ku rig siiyayoo
lagu reyayoo
roob roob dhaloo
raama qaadayoo
ka dhex ciyey rahii
rays iyo xareed
ramadkaa indhaa
way u roontehee
tii aan rabaay
raaxadii aduunay
rer aan yagleelee
labadadii isku raysayoo
isu roon ma noqonaa
rucub lulata oo
laydhu ay ruxdoo
raandhays dambiyo
rudhma goosi wacan
oo aan ridiyo
raar loo koriyo
ishu soo ridayn
is laab raacisee
risiq aan illayn
kuu qorin rasmaan
lama raamsadee
kama raysan karo
hadalkuna runtee
naftu kuma rabtee
iska raali noqo
raari doog
reer nabad u degayoo
rug barwaaaqa oo
rabigay ku sugay
hadba raar gabdhuhu
yacay ugu rujeen
rersiimoo xeryii
loo kala rogoo
ramadkiyo nirguu
tii aan rabaay
siimaba ridno
oo dumar way is rogaan
hadii inan ragoow
aad rumaysantiin
haw rixin inaan
rayigaagan qaba
rer ila yagleel
kugu raacayee

Exit mobile version