VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Raxmad - Lyrics

raxmad eebe meel ku rig siiyayoo lagu reyayoo roob roob dhaloo raama qaadayoo ka dhex ciyey rahii rays iyo xareed ramadkaa indhaa way u roontehee tii aan rabaay raaxadii aduunay rer aan yagleelee labadadii isku raysayoo isu roon ma noqonaa rucub lulata oo laydhu ay ruxdoo raandhays dambiyo rudhma goosi wacan oo aan ridiyo raar loo koriyo ishu soo ridayn is laab raacisee risiq aan illayn kuu qorin rasmaan lama raamsadee kama raysan karo hadalkuna runtee naftu kuma rabtee iska raali noqo raari doog reer nabad u degayoo rug barwaaaqa oo rabigay ku sugay hadba raar gabdhuhu yacay ugu rujeen rersiimoo xeryii loo kala rogoo ramadkiyo nirguu tii aan rabaay siimaba ridno oo dumar way is rogaan hadii inan ragoow aad rumaysantiin haw rixin inaan rayigaagan qaba rer ila yagleel kugu raacayee
Queue is empty
-- / --