jacaylku guhaad ma gayo
gadaaf iyo ciil la bado
xumaantana kuma godlado
kumana gaagaxo samaan

qalbiga naxariis ka go'ay
kashiisa ma gogol dhigtee
wuxuu ku gali kara
ruuxii gacalyooto badan

dareenta ma gaagaxdoo
ILAAH dadka isu gashiyo
gun dhiga nolosheena weeye
guriga farxadiisa weeye
gob iyo caadkeedii weeye

jacaylku gu'yaal ma ba'o
kamana go'o laabtuu dago
yaraan iyo gabaw ma dayo
is yeelyeel kuguma galo

guriga ku dhismaa ma dumo
gurboodkii lagu dhalana
garaadkoodaa kobcoo
filkood ma gaadhi karo

Exit mobile version