VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacaylku ciil ma bado - Lyrics

jacaylku guhaad ma gayo gadaaf iyo ciil la bado xumaantana kuma godlado kumana gaagaxo samaan qalbiga naxariis ka go'ay kashiisa ma gogol dhigtee wuxuu ku gali kara ruuxii gacalyooto badan dareenta ma gaagaxdoo ILAAH dadka isu gashiyo gun dhiga nolosheena weeye guriga farxadiisa weeye gob iyo caadkeedii weeye jacaylku gu'yaal ma ba'o kamana go'o laabtuu dago yaraan iyo gabaw ma dayo is yeelyeel kuguma galo guriga ku dhismaa ma dumo gurboodkii lagu dhalana garaadkoodaa kobcoo filkood ma gaadhi karo
Queue is empty
-- / --