sidaan kuu calmadaybaad
cindiga ugu wayntahoo
kaamana calool go'o

cisha waliba awgaa
wali caashaqaagiii
igu sii cuslaadaa

waa cadaw jacaylkuye
cudur weeyi ruuxaad
calmataa daweeyee
ii noqo midaan ku ciil baxo

naftii aad cajibasaad
ku casuumantahayoo
kuu lulay caleemaha

adna cugashadaydoow
caynigan raga kacay
uma furaan codkaygoo

Exit mobile version