jacaylka maxaan ka dhawray
dhib iyo dheel iyo xumaan
dhabtii anigoo ku jecel
maxaan dhidibkiisa taagay

hadana dhagtu waxay maqlayso
dhaayuhu dhaqso umaa arkaane
markaan kaasoo dhaqaaaqay
miyaad axdigii ku dheeshay

kalgacal dhiigayga ku milan
dhamaan waaxyaha jidhkayga
ayaa nafta dhaawacoo
dhankaaguu ii wadaayee

dhigaa kama waayin ruux
dhismaha noloshayda buuxshe
dareenkaad dhufataybaa
ku dhaaro ku yidhi qalbiga

adoon dhinacayga joogin
kolkaaan dhoofeen fogaaday
inuu dheeliyay axdigu
kashiyo dhimirkaa ogsoone

Exit mobile version