wax kastaba farxdaada
igala wayn dunida oo dhan
hadii aan qof ku waalanayo
waa adiga wadnahaygu

wajigaaga naxariista
weedhahaaga macaanka
wax kastaan u nacee
waligaa ha yarayn
xubiga wardigiisa

hadii uu wad iga baaqdo
ilaa aan ka waayeelo
la iga kaa ag wadi maaye
adna yaan ku waayin maalin

wax kastaba wehelkaagaa
igala wayn arladoo dhan
hadii uu qof wanaagsan jiro
waa adiga oo wiilashaydu

wiiqi maayo taladaada iyo
waxtarkaaga hagaagsan
waligay walaac ma nacee
walaac magayee uma gaysto

hadii uu wad iga baaqdo
ilaa aan ka waayeelo
la iga kaa ag wadi maaye
adna yaan ku waayin maalin

Exit mobile version