rajada maqaneey sugaay
riyada maankiyo xiskaay
reexaan wali aan tabaay
riyaaq aan sahamiyaay

raadkeedaan goobayaa
dhibicda roobkiyo gu'aay
rucubta midhahaan rabaay
rooshaan ubaxii naftaay

randaay nolol lagu hirtaay
riyadiyo qalbigiyo kashaay
rubada laabtani hagtaay
rasmiga maantiyo baraay
RABOW ii kaa rumee
randa ii kaa rumee

raarta iyo figta buurahaay
rakada sare een fishaay
libtaan wali raadiyaay
rucle iyo oradka u galaay

ramaas doogiyo dhirtaay
rumaan baahida tiraay
raaxada loo dhololaay
rafaadkana loo maraay

Exit mobile version