naciimay aduunyadan
adigaa naruuriyo
nafis iyo kalgacaliyo
kaa helay nasteexee
indhahayga nuurkiyo
nadarkooda aragtida
waxad tahay nal soo baxay
adigaa nabdigiyo
ku nagaaday niyadee
naxligiyo xumaantiyo
iga dhawr nitaaqada
meel nuurkiyo yaaliyo
sidaad tahay naq dayreed
neecaw qabaw iyo
ubax lagu nastaa tahay
niciimadaan jeclaayeey
adigaan naftaydiyo
noloshayda kuu huray
oon ku naawilayaaye