qurux dumaroo aadmi daawado
yuusuf dabadii duni timidbaan saaka daalacay
anigu doortoo laabtu doontee
maanka deeqdoo daynba waayee

waa doogiyo ubax dilaacay
gugoo da'aayiyo daruur hilaacdee

diifbaan qabaayoo doondoonisteedii
daalaan ka qaadan la taag dareeyay

dirac haweenoo la dugaashado
deeqsi aabiyo hooyo dihataan saaka daalacay

uurka dooxdoo jidh dubaaxshaye
u duloobaye yaa i dawayn

Exit mobile version