sidi qamarkiyo qoraxda nuuraay
sidii qoton roob xareed qulqulshaay
adaa qalbigiyo quluubta dagoo
adaa qaybaha wadnaha qabsaddee
qacdii eegmada indhuhu ku qabtaan
qaboobay sidaan janadii qudhqudhshee
sidii qadawgii qudhaca hawdiyo
ka baxa qararada ilwaad quruxeey
adaan qayrkaa ku qaayibayoo
adaa qaatoo qudhayda hantiyay