Dadkaan ogaynee
Dunidaan la yaabee
Dib u fiirsigeeda
Lagu diirsan maayee
Waa mid ay la duushiiyo
Dayaxa u dhaweysiiyo
Mid kalooy ka durugtooy
Dibadaha ku duugtee

Waa duni gabowdoo
Ilayn waa dumaalee
Mid malab darsanayaa
Midna dacar ka leefaa

Dabar iyo hogaan iyo
dani seeto weeyaan
waxay damacdo mooyiyee
qofna diidi maayee
waa mid ay dibirisooy
Baryo daadaheysoo
Mid kalooy dulaysooy
Darxumo u dhamysoo

Waa duni gabowdoo
Ilayn waa dumaalee
Mid malab darsanayaa
Midna dacar ka leefaa

Kay dooraneysoow
Ha ka moodin daacadee
Waxay kugu dilaysay
Horta kugu dayeysaa
Kay dahab u diidoow
Way kaa dabooliyee
Kay dooni siisoow
Way kaa daloolinee
Kay waayo daysoow
Iyadaa ku dooxiyee

Waa duni gabowdoo
Ilayn waa dumaalee
Mid malab darsanayaa
Midna dacar ka leefaa

Daadkay ku raacinee
kay diric u galisoow
Way kaa dilaacinee
Kay meel dagsoosoow

Exit mobile version