VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Duni gaboowdoo - Lyrics

Dadkaan ogaynee Dunidaan la yaabee Dib u fiirsigeeda Lagu diirsan maayee Waa mid ay la duushiiyo Dayaxa u dhaweysiiyo Mid kalooy ka durugtooy Dibadaha ku duugtee Waa duni gabowdoo Ilayn waa dumaalee Mid malab darsanayaa Midna dacar ka leefaa Dabar iyo hogaan iyo dani seeto weeyaan waxay damacdo mooyiyee qofna diidi maayee waa mid ay dibirisooy Baryo daadaheysoo Mid kalooy dulaysooy Darxumo u dhamysoo Waa duni gabowdoo Ilayn waa dumaalee Mid malab darsanayaa Midna dacar ka leefaa Kay dooraneysoow Ha ka moodin daacadee Waxay kugu dilaysay Horta kugu dayeysaa Kay dahab u diidoow Way kaa dabooliyee Kay dooni siisoow Way kaa daloolinee Kay waayo daysoow Iyadaa ku dooxiyee Waa duni gabowdoo Ilayn waa dumaalee Mid malab darsanayaa Midna dacar ka leefaa Daadkay ku raacinee kay diric u galisoow Way kaa dilaacinee Kay meel dagsoosoow
Queue is empty
-- / --