saxaneey sifahaaga guud
hablaha siinadoodiiyeey
siduu eebe kuu hanqaday
jidhkaagan sabiibiga ah

suniyaha qalinkiyo indhaha
ilkaha simaniyo dibnaha
timaha sida faras sidoodii
sinaha hoos ugu dagee
siday u samaysanyihiin
waxaan siistaa ma uuna

sundule naftu kuu tahoo
sinaba kaagama go'dee
sunee hadalkaa sirta ah

sadkaan sugayee jantaay
sadaashaan naawilaay
sidaan kuugu uursamahay
jacaylkoon sido dartaa

sanqaroorkiyo labada dhaban
seedaha dhabarkiyo lafaha
dhabarka geenyada sideda
labada seef kala noqdee
siday u samaysanyihiin
waxan siiistaa ma uuna

Exit mobile version