agagaarka wadnaha hadaanad ku ool
aqoontaydu erayba ma keenteene

asluub badaneey amaan badaneey
sidii ubaxii udgoon badaneey
waxaan idileey ku oon bixi lahaa
adoo idileey aroos ila gala
adigoo ooridayda noqdoo ubad dhala
ilwaad quruxeey ilwaad quruxeey

oohinta indhahaygii aan baranin
aday aawadaa ilmeeyaane

asluub badanow amaan badanow
sidii ubaxii udgoon badnaw
waxaan abiyow ku oon bixi laa
adigoo abiyow aroos ila gala
anigoo ooridaada noqdoo ubad dhala

Exit mobile version