Hasha labada geel jecel
Sidiibaan u gubanahay gocashadaa u riimaa
Sidibaan labada galin hurda gamaa u diida
Sidiibaan gu iyo deyr gabayadaa u tiriyaa
Sidiibey gantaadii wali iigu girneyd
Adiguna garaadlaay noqotaye gadeedi
Adiguna garaadlaay noqotaye gadeedi

Hasha labada geel jecel
midna gaari weydo
kolba gees u carartee
laba gabi dhexdood
waraabuhu ku gowracay
hasha labada geel jecel
Noqotaye gadeedi !!
Hasha labada geel jecel !!

Sidiibaan u gooxa aan u gooniyoobo
Sidiibaan gayankey gacanta uugu seeydha
Sidiibey gariiradu jirkeyga ugu guuxda
Sidiibey guuhaagiyo gacalyo ii gujinayaan
Adiguna garaadlaay noqotaye gadeedi

Adiguna garaadlaay noqotaye gadeedi

Hasha labada geel jecel
midna gaari weydo
kolba gees u carartee
laba gabi dhexdood
waraabuhu ku gowracay
hasha labada geel jecel
Noqotaye gadeedi !!
Hasha labada geel jecel !!

Lyrics by CM Mohamed

Exit mobile version