VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hasha labada geel jecel - Lyrics

Hasha labada geel jecel Sidiibaan u gubanahay gocashadaa u riimaa Sidibaan labada galin hurda gamaa u diida Sidiibaan gu iyo deyr gabayadaa u tiriyaa Sidiibey gantaadii wali iigu girneyd Adiguna garaadlaay noqotaye gadeedi Adiguna garaadlaay noqotaye gadeedi Hasha labada geel jecel midna gaari weydo kolba gees u carartee laba gabi dhexdood waraabuhu ku gowracay hasha labada geel jecel Noqotaye gadeedi !! Hasha labada geel jecel !! Sidiibaan u gooxa aan u gooniyoobo Sidiibaan gayankey gacanta uugu seeydha Sidiibey gariiradu jirkeyga ugu guuxda Sidiibey guuhaagiyo gacalyo ii gujinayaan Adiguna garaadlaay noqotaye gadeedi Adiguna garaadlaay noqotaye gadeedi Hasha labada geel jecel midna gaari weydo kolba gees u carartee laba gabi dhexdood waraabuhu ku gowracay hasha labada geel jecel Noqotaye gadeedi !! Hasha labada geel jecel !! Lyrics by CM Mohamed
Queue is empty
-- / --