dookhaygiii ayaa raacoo
dareenkaygii ayaa ila darsoo
daganaansho waan u daaye iidaaya
isku duubnaan doonayaa
daacadeedaan doonayaa
inaan daryeelaan doonayaa
ii daaya way i deeqdee
anaa doortee ii daaya
dahab la moodii ii daaya
ha igu dirinee ii daaya ii daaya
dhiigayga yay ku darantoo
dayax la moodani dawlad weeye
dabcigeedu isma doorshee ii daaya
daadax weeyoo dun xariira
da' yar weeyoo ubax dilaacay
duu'uus sidiisii qurux la daawado