Dab markaan ku joogsadaan damqadaa
Daad markuu I qaadaan ka durgaa
Danno markay I gaartaan dulqaataa

Doqoni hadal ma deysee
Markay dani I dhaaftaan daba ordaa
Tallo markay I deysaan dabagalaa
—–
Ka dib u fiirsan maayee
Derbiga waan iska jiirayaa ani
Dariiqaan mar iraahdaba
Dudumo dabool iyo dugob baa ku go’anoo
Waaba leyga darayaa
Dakanna dusheey bal daya’oo
Daqar jaceylkan daya’oo
Daawa la’aantiis daya’oo
Daawa li’ideey daya’oo
—–
Aqal aan dedneyn baan dugaashadaa
Daal iyo xanuun baan la dekaa
Jaceyl aan demeyn baan dul joogaa
Doqoni hadal ma deysee
Markay dani I dhaaftaan daba ordaa
Tallo markay I deysaan dabagalaa
Ka dib u fiirsan maayee
Derbiga waan iska jiirayaa ani
Dariiqaan mar iraahdaba
Dudumo dabool iyo dugob baa ku go’anoo
Waaba leyga darayaa
Dakanna dusheey bal daya’oo
Daqar jaceylkan daya’oo
Daawa la’aantiis daya’oo
Daawa li’ideey daya’oo

Exit mobile version