VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dab markaan ku joogsadaa damqadaa - Lyrics

Dab markaan ku joogsadaan damqadaa Daad markuu I qaadaan ka durgaa Danno markay I gaartaan dulqaataa --- Doqoni hadal ma deysee Markay dani I dhaaftaan daba ordaa Tallo markay I deysaan dabagalaa ----- Ka dib u fiirsan maayee Derbiga waan iska jiirayaa ani Dariiqaan mar iraahdaba Dudumo dabool iyo dugob baa ku go’anoo Waaba leyga darayaa Dakanna dusheey bal daya’oo Daqar jaceylkan daya’oo Daawa la’aantiis daya’oo Daawa li’ideey daya’oo ----- Aqal aan dedneyn baan dugaashadaa Daal iyo xanuun baan la dekaa Jaceyl aan demeyn baan dul joogaa Doqoni hadal ma deysee Markay dani I dhaaftaan daba ordaa Tallo markay I deysaan dabagalaa Ka dib u fiirsan maayee Derbiga waan iska jiirayaa ani Dariiqaan mar iraahdaba Dudumo dabool iyo dugob baa ku go’anoo Waaba leyga darayaa Dakanna dusheey bal daya’oo Daqar jaceylkan daya’oo Daawa la’aantiis daya’oo Daawa li’ideey daya’oo
Queue is empty
-- / --