Inuu caashaq jeel yahay
Jirrab iyo kadeed yahay
Jahannamo la shidayoo
Laga joogi karin yahay
Ka jaawaabay aniguye
Waxaa looga jeedaa
Ma jaboo ha dhiman baa
Ma aakhiro u jiidaa
Ma jannadii Fardawsoo
Jidkeedii la helay baa
Maxaa looga jeedaa?

Inuu caashaq jiil yahay
Jirro iyo xanuun yahay
Dabin kugu jilladan iyo
Wax kaa tuura jiir yahay
Ka jawaabay aniguye
Waxaa looga jeedaa
Ma sariirta jiif baa
Ma harraad la joog baa
Ma jawharad hillaacdoo
Indhaha jiidanaysaa
Maxaa looga jeedaa?

Inuu caashaq jibin yahay
Jug aan cidi arkeyn yahay
Gantaal lagugu jiidoo
Lagaa jari kareyn yahay
Ka jawaabay aniguye
Waxaa looga jeedaa
Ma jaanjaan ahoow baa
Ha jirrado wadnuhu baa
Ma jir kugu da’ayoo
Raxmaddii jaleecdaa
Maxaa looga jeedaa?

Exit mobile version