VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacayl - Lyrics

Inuu caashaq jeel yahay Jirrab iyo kadeed yahay Jahannamo la shidayoo Laga joogi karin yahay Ka jaawaabay aniguye Waxaa looga jeedaa Ma jaboo ha dhiman baa Ma aakhiro u jiidaa Ma jannadii Fardawsoo Jidkeedii la helay baa Maxaa looga jeedaa? Inuu caashaq jiil yahay Jirro iyo xanuun yahay Dabin kugu jilladan iyo Wax kaa tuura jiir yahay Ka jawaabay aniguye Waxaa looga jeedaa Ma sariirta jiif baa Ma harraad la joog baa Ma jawharad hillaacdoo Indhaha jiidanaysaa Maxaa looga jeedaa? Inuu caashaq jibin yahay Jug aan cidi arkeyn yahay Gantaal lagugu jiidoo Lagaa jari kareyn yahay Ka jawaabay aniguye Waxaa looga jeedaa Ma jaanjaan ahoow baa Ha jirrado wadnuhu baa Ma jir kugu da’ayoo Raxmaddii jaleecdaa Maxaa looga jeedaa?
Queue is empty
-- / --