subaxdii ma roobku da'o
ee mayaygu raadeeyoo
reexaan udgooniyo adoo
rucub ka soo toosay
dhulka oo tigaadii rax tidhi
raarka sare joogto
oo jaanta aad rogo tidhaa
raysku daba yaalo
quruxdooda buuraha rakada
ubaxu rooshaamo
quruxdana daruur lagu rakibay
raranka kaa daahday
boorama boorama
boorama inay raaxo taal
la isu wada raacye
riyo waxaan u haystoo
qalbigu ila riyaaqaba
inaan joogo rugihii cilmiga
runi i deeqsiisay

aduunyada hadaan reer dhismiyo
raas la wada taagin
waxba maalka loo roorayaa
kuma rusheeyaane
marwo raysin laga dhiibo
runa hadaad doonto
ama ay haween raaliya
ruuxdu hibanayso
rag ninkii dhabel muuqliyo
raba ilwaadkeeda
raas waynta reer booramaa
lala rafiiqaaye

taariikhda roolka hadaan
dib uga sii raaco
RABIBAA musheekh diinle iyo
dhigay rag waayeela
rasmi talada loo geeyo iyo
guurti loo reeyo
waa waxaynu guulaha runta ah
ugu riyaaqnaayee
ra'yigiinu libintuu dhashaan
ruuxna qarinaynin

raxmadiisa ood wada heshaan roobka
nolol raasamaaliyo
dhulkoo rugo barwaaqaada
RABI waxaan duraansaday inaad
run ugu waaraan

Exit mobile version