Lamaaane xidhiidh abuuray
Jacaylka xilkiisa qaaday
Dhexdooda xumaan udiiday
Sideenana isu xilqaamay
Ayaa xasiloo tisqaaday
Xiskooda kuwii mideeyay
Xiisaha laba isu ilmeeyay
Xubiga laba isu riyaaqay
Sideenana isu xal sheegatay
Ayaa libintii xoraystay

Xaqiiqdii laba is dhowrtay
Isxushay laba is eegtay
Xubin qudha oo is yeeshay
Xabiibi hadaan nahaanee
Ala ilehe waan xayaadnay
Isxaalay laba isdeeqay
Sirtooda laba xaseeyay
Xidiga fayow is noodshay
Xalkeenu haduu ahaaday
Ala ilehe waan xayaadnay

Nacab xaasida udiiday
Xag kastaba laba midoobay
Lamaane xuloo isdoortay
Ayaynu noqon is yeeshay

Ninkii farxadii ku xiiqay
Xogtii Noloshee lawaayay
Xalkeedii ayaynu keenay
Xurmiyo guulbaynu gaadhnay

Exit mobile version