VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xidhiidh jacayl - Lyrics

Lamaaane xidhiidh abuuray Jacaylka xilkiisa qaaday Dhexdooda xumaan udiiday Sideenana isu xilqaamay Ayaa xasiloo tisqaaday Xiskooda kuwii mideeyay Xiisaha laba isu ilmeeyay Xubiga laba isu riyaaqay Sideenana isu xal sheegatay Ayaa libintii xoraystay Xaqiiqdii laba is dhowrtay Isxushay laba is eegtay Xubin qudha oo is yeeshay Xabiibi hadaan nahaanee Ala ilehe waan xayaadnay Isxaalay laba isdeeqay Sirtooda laba xaseeyay Xidiga fayow is noodshay Xalkeenu haduu ahaaday Ala ilehe waan xayaadnay Nacab xaasida udiiday Xag kastaba laba midoobay Lamaane xuloo isdoortay Ayaynu noqon is yeeshay Ninkii farxadii ku xiiqay Xogtii Noloshee lawaayay Xalkeedii ayaynu keenay Xurmiyo guulbaynu gaadhnay
Queue is empty
-- / --