jacaylkuu dhibtuu i baday
hadii buug lagu dhigo
duruus laga dhigan lahaa
dhalintu way baran lahayd

dhitana waayaha danbe iyo
dhaxalka uu gali lahaa
dharaarana sheeka iyo
dhanbaaluu noqon lahaa

dhabada anoo arakayaan
dhan kale aan u raacayaa
dadkoo dhidid qoyaybaan
anigu dhaxamoonayaa

jacaylku dhibtuu i baday
siduu wadnaha u dhex galay
xiskayga u dhaansadee
dhiigiyo lafaha u dugsaday

haday dadku dhaadayaan
siduu u dhex galay qalbiga
dhawaaqiyo taaha badan
dheeldheel ma u haysateen

Exit mobile version