Geraar hordhac ah – Aamino Feer:
Galalow yaashanayaalbaan
galowgiyo ugaadhi geesaha dhaafee
aday gogoli kuu taal
galadayda dhaaxaan geed iyo har jiifay
haiga goosan caawaad iga gacan saraysaa

Geeraar hordhac ah – Saleeban:
Anoo kuu go’aayoo garabkaa filaayaad
axdigeenii goysoo geesta iga dhaaftee
nabsigii gaaxsanaabaa gooyaha ku gooyee
guur ha iga filanine gurigaygan ii dhaaf

Aamina:
Nabsi ruuxii gaaxshaa
godobtiisa maalee
sidan aniga kuu galay
gafi maysid adiguye
aargudashadaaduna
kor ilaahey weeyee
haiga goosan caawaad
iga gacan saraysaa

Saleebaan:
Qofkastaa abaalkii
yahay guul daraantee
waxan ahay nin gabaryahay
gacantaada midigtee
waxan ahay garaax iyo
godobtaan dugsanayee
guur haiga filanine
gurigaygan ii dhaaf

Aamina:
Adoo gacal isoo biday
waataan ku gowrshay
ku garwaaqsan waayey
kaa saartay gacantee
waxan aniga goostaa
goobtaan i joojee
haiga goosan caawaad
iga gacan saraysaa

Saleebaan:
Waxan ahay nin gacalkii
owgaa u gooyoo
waxan ahay gargaarkii
galadkaaga waayee
waxan ahay gandood iyo
gocosho u dambeysee
guur haiga filanine
gurigeygan iidhaaf

Aamina:
gowraha habeenkii
gudcurkaad istaagtiyo
garki aad iqabatiyo
guubaabadaadii
gardaraan u qaatoo
kuumaan garaabine
haiga goosan caawaad
iga gacan saraysaa

Saleebaan:
Sidan ahay nin gaaloo
xarameynkii galayoo
gubay maalin ciidoo
lagu soo gurmaday baad
gabi dheer isaartood
igu gooni baadhee
guur haiga filanine,
guur haiga filanine
gurigaygan iidhaaf

Exit mobile version